Liverpool oo dib usoo celisay xiisaha ay u qabto mid ka mid ah xiddigaha ka gadoodsan Real Madrid

0
226

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dooneysa inay soo qaadato xiddig khadka dhexe ka ciyaara maadaama aysan wali baddel sax ah u helin  Georginio Wijnaldum kaasoo suuqii xagaaga bilaash ugu biiray Paris Saint-Germain, waxayna haatan kooxda reer England beegsaneysaa xiddiga Real Madrid xagaagii kusoo biiray Eduardo Camavinga.

Transfer gossip: Liverpool eye move for 'raging' Real Madrid star Camavinga

Reds ayaa ka mid ahayd kooxihii doonayay adeegga laacibka Faransiiska ah suuqii xagaaga, hase ahaatee, waxa uu doortay inuu heshiis lix sano ah ugu dhaqaaqo Los Blancos, waxaase uu doorkan ku dhibaatoonayaa inuu joogto ka noqdo qorshaha Macallin Carlo Ancelotti.

Sida laga soo xiganayo warsidaha El Nacional, Camavinga ayaa ka qoomameynaya u dhaqaaqista garoonka Santiago Bernabeu isagoo haatan doonaya inuu amaah ama joogtadaba uga hayaamo Madrid, waxaana durba markale xiiso u muujineysa Liverpool oo diyaar u ah inay gacanto dhigto xiddigii hore ee Rennes.

Macallin Jurgen Klopp ayaa si gaar ah u doonaya 19-sano jirkan khadka dhexe ka ciyaaraa isagoo u arka mid uu ku xoojin karo waaxda dhexe ee shaxdiisa waxayna wararku intaas ku darayaan inay kooxda Ingiriiska heshiiska Camavinga ku dhammeyn karto 45 milyan oo euro.