Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa saddex dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 4-2 ku karbaashtay Newcastle United oo si adag ugula dagaallantay garoonka Anfield.
Liverpool ayaa waqti dambe ka takhalustay Newcastle United oo halgan u gashay sidii ay usoo afjari lahayd musiibada ka haysata kulamada ay iska hor yimaaddaan Liverpool oo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ee garoomada oo dhan si xun u garaacday, isla markaana ay u ahayd markii labaad ee xilli-ciyaareedkan ay ku guul-darraystaan inay iska celiyaan Reds.
Afar gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey Mohamed Salah ayay Liverpool ku dardartay Newcastle United, iyadoo waliba uu rikoodhe khasaariyey xiddiga reer Masar oo ay u ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ka hor inta aanu gelin safarka uu ku tegayo Afrika.
Qaybta hore ee ciyaarta ayay Liverpool ku furtay gool qurux badan oo uu u dhaliyey Luis Diaz daqiiqaddii 19aad, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa soo saartay in uu offside ku jiray laacibkan, sidaas ayaana lagu diiday goolka.
Laba daqiiqadood kaddib ayaa Liverpool loo dhigay rikoodhe lagu galay Luis Diaz oo kubbad uu lasoo galay xerada ganaaxa oo uu u gooyey dhawr difaac lagu jallaafeeyey goolka hortiisa, waxaana kubaddan qaatay Mohamed Salah, balse waxa ka badbaadiyey goolhaye Dubravka oo bandhig layaableh ka sameeyey ciyaartan.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay goolal la’aan, iyadoo Newcastle gool ay madax ku dhalisay lagu qaaday offside oo iyadoo aanay ciyaartoyduba bilaabin dabbaal-degga loo sheegay inay ku jiraan offside.
Afar daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta labaad ayay Liverpool keentay goolkeeda koowaad ee ay u furatay ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Mohamed Salah oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Darwin Nunez oo ay ku dhacday nasiib-darro xun oo dersin goolal ah khasaariyey.
Mohamed Salah oo qaybtii hore laga qabtay rikoodhe, balse markan waxa uu dhinaca qaldan u diray goolhaye Dubravka, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Liverpool.