Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa si daacad ah u qiimeeyay bandhiggiisa kadib kulankii 1-1 kusoo dhamaaday ee ay la yeesheen Rayo Vallecano, isagoo qirtay inuusan weli gaarin heerkiisa ugu sarreeya.
Wiilka 18-jirka ah ayaa rikoodh taariikhi ah dhigay kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee qarnigan rigoore ku dhaliya horyaalka LaLiga, isagoo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 40-aad. Si kastaba ha ahaatee, gool madax ah oo uu ka dhaliyay Fran Pérez daqiiqaddii 67-aad ayaa ka hor istaagay Barça inay saddexda dhibcood qaadato.
Markii la weydiiyay in Rayo ay si fiican uga faa’iideysteen difaac furan oo Barcelona lahayd, Yamal wuu diiday:
“Taasi sababta barbaraha ma ahayn. Waxay goolka ku dhaliyeen koorno. Waxaan u baahannahay inaan sii wadno ciyaartayada, ku dhegganaano fikirkeenna illaa dhamaadka, si aan u guuleysano.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu ku daray:
“Weli heerkeygii ugu fiicnaa maan gaarin. Tirakoobyadu way wanaagsan yihiin, laakiin weli waxaan u baahanahay inaan is horumariyo.”
Hadallada Yamal ayaa muujinaya heerka sare ee uu naftiisa ka filayo, iyadoo taageerayaal badan ay u arkaan inuu noqon karo tiirka mustaqbalka ee Barcelona.