Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Italy ayaa xoojisay rajadooda ku aadan inay gaaraan Euro 2024 xalay – inkastoo xiddigaha isneceb ee Nicolo Zaniolo iyo Mattia Zaccagni ay iska garab ciyaareen.
Ka dib barbarihii 1-1 ee ay la galeen Waqooyiga Macedonia Sabtidii, tababare Luciano Spalletti ayaa isbedel ku sameeyay kooxdiisa kulankii San Siro.
Azzurri ayaa 2-1 ku garaacday Ukraine iyagoo uga mahadcelinaya laba gool oo uu u dhaliyay Davide Frattesi, waxayna kaalinta sarre ka soo galeen Group C isreebreebka Koobka Qaramada Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, dabaaldega qolka labiska ayaa ahaa mid aan hagaagsaneyn madaama labo ka mid ah xiddigaha xulka uu ka dhaxeeyo xafiiltan jaceyl iyo isnaceyb garoonka banaankiisa ah.
Xiddiga garabka uga ciyaara Lazio ee 28 jirka Zaccagni oo saftay kulankiisii 3aad ee xulka Talyaaniga waxa uu guursaday gabadha caanka ah baraha bulshada ee Chiara Nasti, taasoo saaxiib la ahaan jirtay xiddiga haatan jooga Aston Villa ee Zaniolo.
Nasti iyo Zaniolo waxay kala tageen 2021, wax yar ka dibna waxaa la xaqiijiyay inay shukaansanayso saaxiibkiis xulka Talyaaniga.
Lammaanaha ayaa waxaa u dhashay wiil lagu magacaabo Theo bishii November ka hor inta aysan isguursan labo bilood ka dib.
Laakiin isnaceybka labada ciyaaryahan ayaa soo ifbaxay bishii Maajo 2022kii markii taageerayaasha AS Roma oo xafiiltan weyn uu kala dhaxeeyo deriskooda Lazio ay ku heeseen “Wiilka Zaccagni waa ina Zaniolo”, waxayna kaamirada qabatay Zaniolo oo ku qoslaya heesta taageerayaasha lana dhacsan taasoo ka careysiisay Zaccagni.
Waxayna keentay in gabadha uu caqbo Zaccagni ee Nasti ay xirto comments-ka baraheeda bulshada.
Ka dib Zaniolo iyo Zaccagni waxaa looga soo yeeray xulka Talyaaniga maalmo ka dib iyadoo uu u soo yeertay tababarihii waqtigaas Roberto Mancini.
Si kastaba, Zaniolo ayaa markaas xulka isaga baxay taasoo sii hurisay wararka sheegayay in naceyb uu kala dhaxeeyo Zaccagni inkastoo waqtigaas la sheegay inuu dhaawac ahaa.
Zaniolo ayaa ka tagay Roma kuna biiray Galatasaray bishii Febraayo laakiin waxa uu xagaagan amaah ugu wareegay Aston Villa.