Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay in kooxdiisu ay kusii jirayso suuqa iibka ciyaartoyda oo ay la saxeexan doonaan xiddigo kale, inkasta oo xagaagan oo kaliya ay kharash gareeyeen lacag ka badan 350 milyan oo Gini oo ay ciyaartooyo cusub ku iibsadeen.
Chelsea oo shalay guul-darro xanuun badan oo 3-1 ah kala kulantay West Ham oo toban ciyaartoy ku dheelaysay inta badan, isla markaana waqti hore casaana laga siiyey ciyaartoy, ayaa awoodi kari weyday inay guul keento, waxaana laga dhaliyey goolka saddexaad xilli ay ciyaartu sii dhamaanaysay.
Blues oo ciyaarta maamulaysay 76%, ayaa waxay goolka toogatay 17 jeer, balse waxay awoodi waayeen in ay guul-darro ka badbaadaan iyadoo rikoodhe ay qaybtii hore heleen uu ka khasaariyey Enzo Fernandez.
Pochettino oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay dib ugu laabanayaan suuqa iibka ciyaartoyda oo ay ka doonayaan weeraryahan, maadaama Christiopher Nkunku uu dhaawac ku maqnaanayo dhawr bilood, sidoo kalena aanu wali taam noqonin Armando Broja oo horraanta xilli-ciyaareedkii hore jilibka ka jabay, taas oo eerarka Blues ku koobtay Nicolas Jackson.
“Waxa aanu ku jirnaa xalad adag, sababtoo ah labadii weerarayahan ee aanu haysanay ee Nkunku iyo Brojo way dhaawacan yihiin.” Ayuu yidhi Pochettino.