Laba Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Iska Beddelaya Dhalashada Waddanka Ingiriiska

0
152

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Laba ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa la sheegay inay beddelanayaan dhalashadooda si ay ugu ciyaaraan xulka qarankooda ay asal ahaan kasoo jeedaan, iyaga oo aan mar dambena u dheeli doonin xulka qaranka England ee fursadda laga siin waayey.

Aaron Wan-Bissaka iyo Axel Tuanzebe oo labaduba difaaca uga ciyaara Manchester United ayaa la sheegay inay wada-hadallo u socdaan waddankooda runta ah ee ay kasoo jeedaan oo ay u ciyaari doonaan wixii hadda ka dambeeya, taas oo ka dhigan in labaduba ay xidhan doonaan shaadhka waddan Afrikaan ah.

Wan-Bissaka oo Manchester United ay sannadkii 2019 kaga soo iibsatay Crystal Palace lacag gaadhaysa £50 milyan oo Gini ayaa uu Gareth Southgate hal mar oo kaliya ugu yeedhay xulka qaranka England, waxaanay ahayd xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Manchester United.

Marka kaliya ee Wan-Bissaka looga yeedhay xulka England ayaa waxa soo gaadhay dhaawac sababay in laga saaro liiska xulka oo aan mar dambena loogu yeedhin, waxaana saamayn weyn ku leh xiddigaha uga horreeya xulashada tababaraha ee Trent Alexander-Arnold, Reece James, Kieran Trippier iyo Kyle Walker oo ay isku boos yihiin, taas oo ka dhigan inay adag tahay in fursad uu ka helo England.Sida uu qoray wargeyska Leopard Football Leader, Aaron Wan-Bissaka ayaa FIFA u gudbin doona codsi ah in laga ogolaado inuu u ciyaaro xulka qaranka DR Congo ee uu asal ahaantiisa ka yimid, waxaanay wada-hadlneen oo ay arrintan isla qaateen tababare Sebastien Desabre.