Daafacii hore ee kooxda Barcelona sidoo kale khadka dhexe uga soo dheelay Liverpool ee Javier Mascherano ayaa meel iska dhigay kabaha lagu laado kubadda cagta.
Xiddiga reer Argentina ayaa kabaha iska bixiyay kaddib waayo ciyaareed uu ku soo qaatay Waddankiisa iyo sidoo kale dalalka Brazil, England, Spain iyo China.
Inkastoo uu khadka dhexe uga dheeli jiray kooxdii Rafael Benitez ee Liverpool ka hor inta uusan ku biirin kooxdii Barcelona ee Pep Guardiola ee qabsatay dunida sanadkii 2010, halkaasoo booskiisa burburiyaha khadka dhexe uu ka tagay una guuray dhaafaca dhexe, isagoo ka garab ciyaaray Gerard Pique.
Javier Mascherano ayaa Kooxda Barcelona u saftay 334 kulan kaddib siddeed xilli ciyaareed oo uu ku qaatay kooxda ka dhisan Gobolka Catalonia.
36-sano jirkaan ayaa waqtigii uu joogay garoonka Camp Nou, waxa uu ku guuleystay shan koob oo horyaalka La Liga ah iyo labo Champions League, intaas kaddibna waxa uu u dhaqaaqay sanadkii 2018 kooxda ka dhisan Waddanka Shiinaha ee Hebei China Fortune.
Mascherano waxa uu waayihiisa ciyaareed soo gabagabeeyey isagoo ah laacibka saddexaad ee ugu safashada badan Barcelona horyaalka La Liga ee aan Spanish ahayn, waxaana ka horreeya kaliya Lionel Messi iyo Daniel Alves.
Sidoo kale Mascherano ayaa haatan ah laacibka ugu safashada badan xulka qaranka Argentina, waxaana uu u saftay 147 kulan, wuxuuna xitaa xulka kaga safasho badan yahay xiddiga ay xulka iyo kooxda Barcelona ka wada tirsanaayeen ee Lionel Messi.