Kuuriyada Koonfureed oo xaalad ‘dhalmo la’aan’ ah la daalaa-dhacaysa

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Koonfur Kuuriya ayaa diiwaangelisay korodhkii ugu weynaa ee dhalashada carruurta hal bil gudaheed muddo 14 sano ah. Tirada ilmaha la dhallay bishii May ayaa korodhay ku dhowaad afar boqolkiiba. Korodhkan ayaa lagu sababeeyay tirada guurka oo korodhay iyo haween badan oo ku jira da’dooda bilowga soddomeeyada, oo aqal galay.

Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Kuuriya weli waxay la daalaa-dhacaysaa heer dhalmo oo hooseeya. Haweenka dalkaasi ayaa celcelis ahaan noloshooda ku dhala wax ka yar hal cunug — taasoo aad uga hooseysa heerka looga baahan yahay si dadweynuhu u ahaado mid deggan oo aan hoos u dhicin tiro ahaan.