Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulan muhiim ah oo looga hadlayay doorka bulshada ee ka hortagga gudniinka fircooniga ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Kulankan waxaa ka soo qeybgalay culimada diinta, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo horey u ansixiyay sharciga mamnuucaya gudniinka fircooniga iyo xubno kale oo bulshada rayidka ah ka socday.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay,adda Ifrah Foundation ayaa ujeedkiisu ayaa ahaa in la xoojiyo wacyigelinta bulshada si ay uga qeyb qaataan ciribtirka dhaqankan waxyeellada leh ee saameeya caafimaadka iyo nolosha gabdhaha yar yar waxaa lagu falanqeeyay sida loo dhaqan gelin karo sharciga la ansixiyay.
Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan ku eegaya