
(Barcelona) 14 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay si weyn u doonayso saxiixa xiddiga naadiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Jariiradda the Express ayaa warinaysa in Blaugrana ay weeraryahankan reer Masar ay ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya suuqa kala iibsiga xiddigaha.
Salah xiddiga ay ka wada tirsan yihiin Liverpool ee Sadio Mané ayaa badanaa la la xiriiriyaa inuu u dhaqaaqi doono kooxda ay Barça xafiiltamaan ee Real Madrid.
Tan iyo markii uu Ronald Koeman qabtay hoggaanka kooxda ka arrimisa gaoonka Camp Nou, Barça waxaa la la xiriirinayey weeraryahanno cusub oo sidoo kale uu ku jiro xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay.
Dhinaca kale ciyaaryahankii hore ee reer Holland, Sjaak Swart ayaa shaaca ka qaaday inuu ogyahay in Ronald Koeman uu doonayo inuu Mohamed Salah keeno Kooxda Barcelona, halka weeraryahanka reer Masar uu dhankiisa doonayo inuu aado kooxda reer Spain.
Gool FM.