Tababare Mikel Arteta ayaa sheegay inuu aad u xiiseynayo inuu soo qaato xiddiga xulka qaranka Spain oo uu keeno garoonka Emirates bishaan, si uu bedel ugu noqdo booskii uu ka baxay Mesut Ozil ee 10-aad.
Yeelkeede, Jariiradda Marca ayaa warinaya in Arteta uu haatan go’aansaday inuusan u dhaqaaqi Isco, arrintan ayaana timid kaddib bandhigga cajiibka ah ee uu la soo baxay dhowaan da’yarka hibada leh ee Gunners Smith Rowe.
20-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Arsenal ciyaartay horyaalka Premier League, dhammaantoodna kulammadaas waxa ay guulo ka gaareen Chelsea, Brighton iyo West Brom, isagoo da’yarkan sameeyey labo caawin.
Ciyaaryahankii hore ee Malaga Isco ayaa heshiiskiisa haatan ee garoonka Bernabeu waxaa kaga harsan 18 bilood, waxaana xagaaga lagu iibin karaa 18 milyan oo gini, ha yeeshee Gunners hadda ma doonayso inay soo qaataan oo waxa ay rabaan inay fursad siiyaan da’yarkooda Smith Rowe.