Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa tartan cusub oo dhanka suuqa kala iibsiga ah la gashay kooxda Chelsea, kaasoo ku saabsan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee naadiga West Ham United iyo xulka qaranka England ee Declan Rice, kaas oo la aaminsan yahay in uu mustaqbal fiican yeelan doono sanadaha soo socda.
Red Devils ayaa kor kala socotay qaab ciyaareedka Declan Rice in muddo ah, iyada oo loo arko inuu yahay xubin muhim ah oo ka tirsan kooxda David Moyes xilli ciyaareedkan.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gudaha Ingiriiska, Manchester United ayaa Declan Rice ka dhiganeysa bar-tilmaameedka ugu weyn oo ay dooneyso inay ku xoojiso khadka dhexe suuqa xagaaga soo socda, laakiin waxay tartan adag kala kulmi doonaan Naadiga Chelsea.
Dhinaca kale weeraryahankii hore ee kooxda West Ham United ee Tony Cottee ayaa aaminsan in Chelsea ay ugu dambeyntii ku guuleysan doonto raacdada loogu jiro saxiixa Declan Rice, maadaama kooxda Thomas Tuchel ay aad u soo jiidanayso laacibkan.
Tony Cottee ayaa mar uu ka hadlayay loollanka loogu jiro saxiixa Declan Rice, wuxuu yiri:-
“Haddii Declan Rice uu go’aansado inuu baxo, waxaan u maleynayaa inuu aadi doono Chelsea, wuxuu joogay Chelsea markii uu yaraa, saaxiibkiisa ugu fiican waa Mason Mount.”
“Waad ogtahay, wuxuu la koray Mount markii ay ahaayeen carruur yar yar iyo sidoo kale Tammy Abraham, laakiin hadda wuxuu joogaa Talyaaniga.”
“Laakiin waxaa sidoo kale jira Callum Hudson-Odoi iyo Reece James, Declan waa saaxiibkood.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray weeraryahankii hore ee kooxda West Ham United ee Tony Cottee.