Klopp oo ka hadlay xaallada dhaawacyada kooxdiisa ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan West Brom

0
205

Liverpool ayaa hogaamineysa miiska kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 31 dhibcood, waxayna ka sarreysaa kooxda ku soo xigta ee Leicester City 4 dhibcood, inkastoo Reds ay la dhibtoonayaan xiddigo muhiim ah oo dhaawacyo kaga maqan tan an iyo bilowgii xilli ciyaareedkaan.

Haddaba tababare Jürgen Klopp oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay kulanka West Bromwich Albion, ayaa wuxuu yiri:

“Labo xilli ciyaareed ka hor, waxaan aheyn kuwa ugu sareeya intii lagu jiray xilligii Christmas-ka, laakiin kuma guuleysanin horyaalka sababa la xiriira tayada kooxda Man City, marka haddii aan dooneyno inaan wax gaar ah sameyno, waa inaan diirada saarnaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”

“Kulanka Axada wuu adkaan doonaa, waxaan ku sameynay falanqeyn iyaga, waxay u ciyaarayaan qaab la mid ah Everton markii ay ka hoos ciyaarayeen Sam Allardyce, waxaan filayaa in kooxda naga soo horjeedo ay tahay mid adag, sida caadada u aheyd kooxaha Allardyce, waxay noqon doontaa ciyaar adag, wuxuu khabiir ku yahay maaraynta iyo hoggaaminta kooxaha halista ugu jira heerka labaad.”

Intaas kaddib tababare Jürgen Klopp ayaa ka hadlay xaalada dhaawacyada kooxdiisa wuxuuna yiri:

“Thiago Alcantara wuxuu qaaday tallaabooyinkii ugu horeeyay si uu ugu soo laabto tababarka kooxda, wali diyaar ma ahan, maqnaanshihiisa dheer kadib, ma dooneyno inaan ku deg degno soo laabashadiisa, laakiin waa macquul inuu kursiga keydka ka soo muuqdo kulanka Newcastle United.”

“Shaqiri iyo Milner ayaa ku dhaw in ay soo laabtaan, waxay la tababarteen kooxda, labada maalmood ee soo socda, waxaan ka qaadan doonaa go’aan iyaga, iyadoo la tixgelinayo xaaladdooda tababarkii ugu dambeeyay.”