Kepa oo Daaha Ka Rogay Sababta Uu Uga Tagay Chelsea Oo Uu Ugu Biiray Arsenal.

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta uu uga tagay Chelsea uguna biiray Arsenal.

Kepa ayaa ku biiray Gunners kadib markii Arsenal ay dhaqaajisay qodobka lagu fasixi karo ee ku jiray qandaraaskiisa, oo ahaa £5 milyan. Wuxuu saxiixay heshiis saddex sano ah oo uu kula joogi doono kooxda Emirates, isagoo u yimid inuu noqdo xulasho khibrad leh oo beddel u noqda goolhayaha koowaad ee Spain, David Raya.

Kepa ayaa yiri:

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado. Waan ku faraxsanahay, waxaana rajeynayaa inaan si wacan waajibaadkeyga u guto.”

“Himilada kooxdaan ay muujisay, marka aan la hadlay Mikel [Arteta] iyo Inaki [Cana, tababaraha goolhayeyaasha], sida ay iigu muujiyeen rabitaankooda — waxaan dareemay inaan u dhow nahay inaan wax weyn gaari karno, waxaana rajeynayaa in dhammaanteen wadajir u guulaysan doono.”

Kepa ayaa hore ugu soo ciyaaray Bournemouth xilli ciyaareedkii tegay isagoo amaah uga maqnaa Chelsea. Xasuusnow, Kepa wuxuu noqday goolhayaha ugu qaalisan aduunka sanadkii 2018 markaas oo Chelsea ay £71 milyan uga soo qaadatay Athletic Club.