Kenya iyo Cuba oo xoojinaya iskaashigooda dhanka caafimaadka

0
255

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa ku heshiiyay inay sare u sii qaadaan xiriirka ka dhexeya ee dhinaca caafimaadka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay dadaallada ay dowladdu ku wanaajinayso tayada daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah iyo in dadweynaha loo fududeeyo helitaanka adeegyadan.

Heshiiska ay gaareen labada dal ayaa yimid ka dib kulan ay yeesheen wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe iyo safiirka dowladda Cuba ku matalo Kenya ,Juan Manuel Rodriguez.

Waxay isku afgarteen inay ballaariyaan wada shaqeynta dibloomaasiyadeed ee dhanka caafimaadka si labada qaran ay arrintan uga wada faa’iidaystaan.

Mutahi Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay inay hadda lagama maarmaan tahay in saraakiil caafimaad oo dheeraad ah loo diro wadanka Cuba si ay tababarro khaas ah ugu soo qaataan.

Dhakhaatiir u dhashay dalka ayuu qorshuhu yahay in laga howlgeliyo xarumaha caafimaadka ee Cuba si gaar ah waaxyaha qaabilsan la tacaalidda cudurrada kansarka iyo duumada.

Safiirka Cuba ee Kenya ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo dowladdiisuba ay ka go’an tahay dhaqangelinta heshiiska laba geesoodka ah.

Waxaa uu ku celceliyay in dowladda dalkaasi ay diyaar u tahay inay sii wado taageerada ay siiso Kenya ee dhanka tababarrada iyadoo laga faa’iidaysanaya horumarka tiknolojiyadeed.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii ay Kenya iyo Cuba ay qalinka ku duugeen heshiis ku qotomay isdhaafsashada dhakhaatiirta.