Kaddib xasuuqii xalay Rio Ferdinand oo shaki galiyay mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Barcelona

0
213

(Lisbon) 15 Agoosto 2020. Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ayaa kula taliyey xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi inuu ka tago naadiga Barcelona.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xalay kabaha la dulmartay Barcelona oo ay ku garaacday 8-2 kulan qeyb ka ahaa siddeed dhammaadka Champions League.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand, wuxuuna yiri:

“Wali waxay ku tiirsan yihiin ciyaartoydii horey u joogtay, Ter Stegen oo xilli ciyaareedkan fiicnaa, maanta wuu xumaa”.

“Aaway macalinka ka qeylin jiray diilinta garoonka, xiddigaha qadka dhexe ka shaqeeya dhamaantood waa 30 jiro, taasina waa waali”.

“Muxuu ku fikirayay Lionel Messi marka uu ku sii jeeday gurigiiga?”.

“Ma wuxuu doonayaa in waqtigiisa inta ka harsan uu sii xirnaado maaliyaddan, marka loo fiiriyo qaab ciyaareedka kooxaha kale ee Yurub oo dhan? waqti ma u hayaa inuu halkaas fadhiisto oo uu sugo?, Ma jeclaan lahaa inuusan u tartamin koobab waa weyn?” ayuu yiri Rio Ferdinand.

Gool FM.