Kaddib dhaawacii xalay soo gaaray, miyuu Karim Benzema ciyaari doonaa kulammada ay Real Madrid la leedahay Inter iyo Atletico?

0
228

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa xalay dhaawac muruqa bowdada ah uu soo gaaray laacibka Real Madrid ee Karim Benzema kaasoo garoonka laga saaray daqiiqaddii 17-aad ee kulankii ay kooxdiisa 2-0 kusoo dubatay naadiga Real Sociedad oo ay marti u ahaayeen.

Inkastoo war rasmi ah aysan soo saarin naadiga Los Blancos, haddana wargeyska MARCA ee kasoo baxa Spain ayaa sheegaya inuusan Benzema ka qayb noqon karin safka Macallin Carlo Ancelotti uu kala hor tagi doono naadiga Inter Milan habeenka Talaadada ciyaarta Champions League guruubkiisa D ka tirsan ee go’aamineysa naadiga booska koowaad ku dhammeysaneysa.

Kaddib ciyaarta Inter, Real Madrid ayaa kulan ka tirsan La Liga garoonkeeda ku qaabileysa kooxda ay caasimadda ku xafiiltamaan ee Atletico Madrid Axadda soo aaddan, waxaana xitaa kulankaas shaki weyn la gelinayaa inuu weeraryahanka Faransiiska ah taam usoo noqon doono, waxaana uu wargeyska weriyay inay u badan tahay inuu xitaa ciyaartaas seegi doono.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib tijaabooyinka lagu ogaanayo dhaawaciisa inta uu la egyahay, Madrid ayaa looga fadhiyaa inay inay war rasmi ah kasoo saarto xaaladda dhaawac kabtan-sugaheeda.