Kabtankii hore ee kooxda Barcelona Carles Puyol ayaa xaqiijiyay inuu doonayay inuu u ciyaaro naadiga AC Milan, si uu kaga garab ciyaaro halyeeyga Rossoneri ee Paolo Maldini.
Haddaba Puyol ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay kooxda uu doonayey inuu u ciyaaro inta uu ku gudi jiray xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta, wuxuun yiri:
“Inaad ka ciyaarto horyaal kale? xiisaha loo qabo marwalba way jirtaa, waxaan u ciyaaray Barcelona, oo ah kooxdeyda, xaaladahuna mar walba waa ay fiicnaayeen”.
“Weligay ma qarin inaan doonayay inaan u ciyaaro AC Milan oo aan la ciyaaro Paolo Maldini, hadda kooxdu waxay ku jirtaa marxalad adag”.
Intaas kaddib Carles Puyol ayaa wuxuu ka hadlay wararka Lionel Messi la xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Barcelona wuxuuna yiri:
“Taageero ahaan kooxda Barcelona ah, ma doonayo inuu baxo Lionel Messi, wuu faraxsanyahay mana ahan kaliya taageerayaasha Barcelona inay sii wadaan tartanka, laakiin dhamaan taageerayaasha kubadda cagta, sababa la xiriira qaabka uu u ciyaarayo”.