Joe Cole Oo Shaaciyay Hal Faa’iido Oo Ay PSG Dheertay Arsenal Kulanka Semi-Final-ka Champoons League.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Joe Cole ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain ay ‘faa’iido weyn’ ka leedahay Arsenal kulankooda semi-finalka Champions League.

Kooxaha Premier League iyo Ligue 1 ayaa fooda isdari doona si ay ugu soo baxaan finalka Champions League.

Arsenal ayaa soo bandhigtay labo qaab ciyaareed oo cajiib ah si ay u dhaafto kooxda heysata Champions League ee Real Madrid wareega 8da.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa iska xaadirisay semi-finalka kadib markii ay ka badbaaday cabsi wayn oo ay kala kulantay Aston Villa.

Arsenal ayaa Emirates ku soo dhawayn doonta PSG 29ka April ka hor inta ayna u safrin Paris lugta labaad ee May 6.

Cole ayaa si wayn ula dhacay guushii ay Arsenal ka gaadhay Real Madrid laakiin isla markiiba waxa uu uga digay Gunners in PSG ay faa’iido wayn u leedahay marka la eego lugta labaad ee semi-finalka oo ay gurigeeda ku ciyaarayso.

“Waxay gabi ahaanba u tahay habeen cajiib ah Arsenal iyo Mikel Arteta,” ayuu u sheegay TNT Sports.

“Kooxdu waxa ay joogtaa meel cajiib ah”.

“Horyaalka way ka quusteen laakiin dareenkoodu waa champions League, waxa ay la ciyaareen PSG champions League mana jirto is barasho cusub”.

“Halka faa’iido daro ee Arsenal ayaa ah in ay kulanka lugta 2-aad ku ciyaari doonto Paris”ayuu sii raaciyay.