Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Japan ee xulafada la ah Mareykanka iyo Israel ayaa Tel Aviv uga digtay inay carqaladeyso dadaalada caalamiga ah ee lagu riixayo hirgelinta xalka laba dal oo deris ah, oo Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin, isla-markaana si nabad ah ugu wada nool Bariga Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Takeshi Iwaya ayaa Israel uga digay tallaabo kasta oo ay ku wiiqeyso xalka labada dal, haddii kalena ay Tokyo ku soo rogi doonto cunaqabateyno jawaab u ah iyo inay si buuxda u aqoonsan doonto Falastiin, iyadoo aan la tixgelin doonin in xalka lagu gaaro is faham labada dhinac ah.
Japan, Jarmalka iyo Mareykanka ayaa ka mid ah dalal yar oo dal madaxbannaan oo Falastiiniyiinta ay yeeshaan ku xiraya shuruudda ah in lagu gaaro is faham.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in Israel ay joojiso ficiladeeda militari ee Marinka Gaza, in la gaaro xabad joojin waarta, in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista iyo in la taageero qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.
Wasiirka ayaa ku baaqay in dhinacyada ay tahay in ay ogolaadaan, isla-markaana ay taageeraan qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee nabadeynta Gaza, isla-markaana dhabaha u xaaraya in Israel iyo Falastiiniyiinta ay wada hadal ka yeeshaan geeddi-socodka xalka labada dal.