Itoobiya iyo Ereteriya oo laga cabsi qabo Dagaal dhex mara.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa sii kordhaya cabsi laga qabo in Ethiopia iyo Eritrea ay dagaal galaan. Hoggaamiyeyaasha sare ee labada dal ayaa muddo dheer is-eedeynayay.

Dhawaan, dowladda Ethiopia ayaa warqad cabasho ah u qortay Qaramada Midoobay, iyagoo ku andacoonaya in Eritrea ay qorsheyneyso inay dagaal ku qaaddo Ethiopia iyada oo kaashaneysa TPLF.

Mar kale Ethiopia ayaa Eritrea ku eedaysay inay samaysay xoog ciidan ah oo lagu magacaabo “Tsimdo”, si ay ugu midoobaan qorshe lagu dhex maleegayo Ethiopia.

Xiisadda labada dal ayaa si weyn u kacday, gaar ahaan kadib markii Ethiopia si cad u sheegtay in ay xaq u leedahay in ay hesho marin badeed.

Mas’uuliyiinta Itoobiya, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegay in guuldarrada Ethiopia ee ku aaddan helitaanka marin badeed oo ku xidhma Badda Cas ay ahayd “khalad la galay 30 sano ka hor.”

Isagoo ka hadlayay munaasabadda daahfurka buuggiisa cusub ee lagu magacaabo “Medemer State’

Abiy ayaa yidhi: “Waxaan hubaa inaan u bixi doonno dhinaca Badda Cas.”

Xaaladdan, dad badan ayaa walaac ka muujiyay in labada dal ay markale dagaallamaan.