Israa’iil oo sheegtay inay ku laaban doonto xabbad-jooojinta ka dib duqaymo ay ka fulisay Qasa.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u soo celin doonaan fulinta xabbad-joojinta ee Qasa ka dib markii ay fuliyeen duqeymo cirka ah Axaddii, iyagoo ay jawaab u ahayd waxa ay ugu yeereen “khaladka muuqda” ee uu sameeyay Xamaas ee ku saabsan heshiiska.

Duqeymaha ayaa ka bilaabmay koonfurta Qasa ka dib markii ciidamada Israa’iil ay sheegeen in “kooxdu ay ridayeen mid kamid ah gantaallada ka hortagga taangiyada iyo rasaas” oo ay ku rideen ciidamadooda ku sugnaa Rafax, taasoo keentay dhimashada laba askari.

Xamaas ayaa sheegtay inaysan ogeyn wax dagaal ah oo ka dhacay aagga ay Israa’iil maamusho.

Fiidnimadii, Israa’iil waxay sheegtay inay duqaysay bartilmaameedyada Xamaas ee Qasa, iyadoo ilo-wareedyo isbitaal ay sheegeen in 44 qof la dilay.

Xamaas ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xabbad joojinta, laakiin waxay Israa’iil ku eedaysay xadgudubyo waxayna ka digtay in weerarrada ay “u riixi karaan xaaladda inay gebi ahaanba burburto”.