Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Milatariga Israa’iil ayaa soo saaray amarro lagu daadgureynayo dadka faraha badan ee ku sugan bartamaha Qasa halkaas oo aysan ku qaadin weerar dhanka dhulka ah 21-kii bilood ee ay dagaalka kula jireen Xamaas.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa maanta sheegay in dadka deggan iyo barakacayaasha Falastiiniyiinta ee gabbaad ka dhiganaya magaalada Deir al-Balah ay tahay in ay si degdeg ah isaga guuraan oo ay u dhaqaaqaan dhanka al-Mawasi oo ku taal xeebta Mediterranean-ka.
Dalabka daad-gureynta, oo muujin kara weerar soo fool leh, ayaa argagax weyn ku abuuray tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, iyo sidoo kale qoysaska la haystayaasha Israa’iil oo ka cabsi qaba in ehelladooda lagu haysto magaalada.
Ciidamada IDF ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay deegaanka, balse wali ma aysan geynin ciidamo dhulka ah.