Israa’iil ayaa ku wareejisay laanqeyrta cas maydadka 30 kale oo Falastiiniyiin ah

0
107

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda laanqeyrta cas ayaa fududeysay wareejinta maydadka 30 Falastiiniyiin ah oo kale oo dib loogu celiyay Qaza, sida ay wasaarada caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta bulshada.

Taasi ayaa tirada guud ee maydadka Israa’iil ay soo celisay ka dhigaysa 120, waxaa ay intaa ku dareen in kooxaha caafimaadka ay ka shaqeynayaan baaritaanka maydadka si dib loogu wareejiyo qoysaskooda.

Sida lagu xusay heshiiska xabbad joojinta, Israa’iil ayaa ogolaatay inay inay wareejiso maydka 15 Falastiiniyiin ah oo lagu beddelayo maydka lahayste kasta oo Israa’iil I ah.