Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isku duwaha Wasaaradda Gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Jubbaland ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Xasan oo Shir Jaraa’id ku qabatay Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa kawarbixiyay xaalada Abaaraha ee ka jira Gobolka.
Isku duwaha ayaa sheegay in abaarta ka jirta guud ahaan Gobolka ayaa gaartay meeshii ugu sareysay taasi oo sameyn weyn ku yeelatay dadka dan yarta ah gaar ahaan Dadka xoola dhaqatada reer Guuraga ah.
Maxamed Cabdi Xasan ayaa Sheegay in ay jiraan dad u dhintay Abaarta iyo sido kale Boqolaal qof oo ka hayaamay abaarta ka jirta Gobolka Gedo.Waxaa u Dhamaan Ha’yaddaha samafalka ugu baaqay in ay xooga saaraan sidii wax loga qabaan lahaa xalada jirta.
Ugu danbeyntii Isku duwaha Wasaaradda Gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Jubbaland ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Xasan ayaa Shirkiisa Jaraa’id ku soo gabagabeyay in ka Wasaaradan ahaan ay wax ka qabteen xalada jirta balse ana wali dhameystiran wax ka qabashada Baahiyaha taagan wuxuuna Dowlada Goboleedka Jubbalaand Dowlada fadaraalka Soomaaliya iyo Ha’yadaha samafalka ugu baaqay in gaar Bini’adanimo la soo gaarsiyo Gobolka Gedo.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya