Isbitaal ku yaalla Kenya oo loo xiray eedeymo la xiriira dad xubno lagala baxay jirkooda

0
41
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa joojiyay shaqadii adeegga caafimaadka ee tallaalida kelyaha ee Mediheal Group of hospitals.
Waxaana talaabadan ay timid iyada oo ay soo baxayaan warbixinada tuhumada bukaanno loogu tallaalay xarunta ku taal magaalada Eldoret ee Uasin Gishu, taasi oo ay sameysay adeegga dhiig-shubidda iyo tallaalida Kenya (KBTTS).

KBTTS ayaa tuhunsan inay jiraan ka ganacsi sharci darro ah oo xubnaha bini’aadamka, ayna timid ka dib baaritaano ay ku sameeyeen in ka badan 370 kilyo tallaalid ah.

Wasiir Ducaale ayaa ku dhawaaqay labo sarkaal sare oo wasaarada caafimaadka ka tirsan shaqadii laga joojiyay, iyada oo la ogolaaday in baaritaan lagu sameeyo fadeexaddan.

‘Tan ogolaanshaha waxaa jira wadamo UK oo kale ay ka mid tahay qofku markuu caafimaad qabo ee cisbitaalada imaanayo ayaa warqado laga saxiixaa oo ah haddii uu dhinto in xubnihiisa lala bixikarayo, marka muwaadinka waa la weydiiyaa, haddii uu yiraahdo xubintayda waa lala bixi karayaa, kilyaha, beerka, xubno badan baa laga saaraa, wadnaha qofka laga saaraa, haddii uu qofku ogolaado. Waxaa dhici karaysa in qolada boolisku ay keenaan cisbitaalka ‘system’ kaa laga eegaa, inta aanu dhiman inuu ‘form’ ka saxiixay, ka dibna xubnihiisa waa lagala baxaa”

Kala duwanaashaha ayaa isaga oo ka hadlaya Dr Cismaan uu sheegay wadamada Islaamka marka la yimaado ”qofka oo socda caafimaad qaba inuu saxiixo inuu kellidiisa iibiyo ama xubnihiisa iibiyo sharciga wadamada Islaamka ma banana, haddii uu dhintana xubnihiisa in lagala baxo iyadana ma banaana. Tan kali ah ee wadamada Islaamka banaan waxa weeyaan in qofku uu xubin jirkiisa ka mid ah qof kale ugu deeqi karayo asaga oo aan ka iibsanaynin, shardiga ku xirana waxa weeye in aan xubintaasi ahayn xubin uu isagu u geeriyoonayo, tusaale ahaan in aad beerkaada qof siiso oo wadnahaaga qof siiso waad u geeriyoonaysaa, marka wadamada islaamku ma ogola. Tan ay ogol yihiin waxa ay tahay haddii aad labo kalyood leedahay oo mid lagaa saaro tan kale waad ku badbaadaysaa”.