In ka badan boqol gaari oo wada gargaar oo gaaray Qasa iyo faahfaahin ka soo baxaysa

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Laamaha milatari ee mas’uulka ka ah isku-dubaridka sahayda Qasa ayaa soo saaray warbixin ku saabsan gargaarka la geeyay Dhulkaas.

Kooxda Isku-duwidda Hawlaha Dowladda ee Dhulka La Haysto ayaa sheegay in “107 gaari oo ay QM iyo beesha caalamku leeyihiin isla markaana sida gargaar bini’aadantinimo ” ay shalay galeen Marinka Qasa iyaga oo ka gudbay isgoyska koonfur-bari ee Kerem Shalom.

Qaramada Midoobay weli ma aysan xaqiijin in gargaarkaasi uu gaaray dadka ku sugan Qasa.

Warbixinta kooxdu soo saartay waxay intaas ku dartay: “Waxaan sii wadi doonnaa fududeynta gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa, annaga oo dadaal walba ku bixinayna in gargaarku uusan ku dhicin gacanta Xamaas.”

Israa’iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay leexsato sahayda, balse kooxdaasi way beenisay eeddaas.