Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa mudooyiinki dambe waxaa ku soo badanayay huteelada waaweyn ee casriga ah goobaha ganacsiga iyo sido kale adeegyada kala duwan ee bulshada baahida weyn u qabto.
Munaasabad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa maanta lagu daahfuray huteel casri ah oo la magac baxay huteel Gaaf oo laga hirgaliyay xaafada Waabari ee Magaalada Dhoobley.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay ganacstada, indheer garadka,dhalinyarada iyo sido kale Maamulka Deegaanka.
Ugu horreyn waxaa Madasha xadhig jarka huteelka hadallo ka soo jeediyay mulkiilaha huteelka kaas oo kawarbixiyay qaybaha uu ka kooban yahay huteelku iyo adegyada uu bulshada u qaban doono.
Sido kale waxaa madasha kahadlay qaar kamid ah waxgaradka deegaanka iyagoona soo dhaweeyay huteelkan laga hirgaliyay Deegaanka kaas oo ay ka faa’iidaysan doonaa bulshada Deegaanka.
Ugu danbayn waxaa Munaasabada soo xidhay gudoomiyaha Shanta xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaalada Dhoobley Rabiic Maxamed Cabdi oo ku hadlayay afka Maamulka Deegaanka.
Dhismooyinka kala duwan, bilicda iyo horumarada ka jira Magaalada waxaa kaalin mug leh ka qadanayaa ganacsatada iyo maamulka deegaanka iyadoona sanadahaan Magaalada ku soo badanayaan dhismooyinka ganacsi ee casriga ah.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya