Howlwadeenada Radio Sanguuni Oo loo soo gabagabeeyey Tababar u socday Afar maalin.

0
124

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa waxaa tababar loogu soo gaba gabeeyay hawlwadeenada ka shaqeeya idaacadda sanguuni.

Tababarkan ayaa ahaa mid sare loogu qaadayay xirfada shaqaalaha kaas oo lagu baranayay anshax wariyaha, badqabka wariyaha iyo sidii ay bulshada ugu adeegi lahayeen si cadaalad ah ayna uga fogaan lahayeen waxyabaha iska horkeeni kara bulshada.

Qaar kamid ah hawlwadeena raadiyaha sanguuni ayaa kawarbixiyay waxyaabihii labaray.

Tababarkan ayaa qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadida xirfada wariyeyaasha ka hawl gala idaacada sanguuni ee magaalada dhoobley.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan inooga diyaariyay