Horudhac: Valencia vs Real Madrid… (Los Blancos oo eegeysa inay gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka La Liga)

0
197

Los Blancos ayaa hadda ku sugan booska labaad ee kala sarreynta horyaalka dalka Spain iyagoo uruursaday 16 dhibcood kaddib toddobo kulan oo ay ciyaareen, halka Valencia ay jiifto booska 13-aad ee kala sarraynta La Liga, waxaana ay heshay kaliya siddeed dhibcood kaddib siddeed kulan oo ay ciyaartay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad 08 Nof  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Mestalla

Garsooraha: Jesus Gil (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Thierry Correia ayaa ka ganaaxan kooxda Valencia kaddib markii uu labo kaar oo jaalle ah qaatay ciyaartii Getafe.

Daniel Wass ayaa la filaayaa inuu kusoo billawdo difaaca midi gee kooxda martida loo yahay, halka Uros Racic uu khadka dhexe ku wehlin doono Carlos Soler.

Waxaa sidoo kale la sii saadaalinayaa in laacibka reer Russia ee Denis Cheryshev uu dadabka kasii ciyaaro, taasoo la micno haddii Goncalo Guedes uu kusoo billaabanayo in Cheryshev uu weerarka kula lammaanaan doono Maxi Gomez.

Casemiro iyo Eden Hazard ayaa Eder Militao kula biiray xiddagah Real Madrid kaga maqnaan sababo la xiriira in Korona Fayras laga helay.

Maqnaasha burburiyaha reer Brazil ayaa sababeysa in Macallin Zinedine Zidane uu isku dhaf ku sameeyo khadkiisa dhexe, halka Hazard la’aantiisa ay u bisishahay Los Blancos maadaama doorashooyin kale ay heli karaan.

Marka laga soo gudbo saameynta maqnaashaha labadan laacib, waxaa markale dhanka difaaca midig dabooli doono Lucas Vazquez maadaama Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola ay dhaawacyo kulankan ku seegayaan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Valencia ayaa laga dhaliyay ugu yaraan labo gool afartii kulan ee ugu dambeysay ciyaaraha horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay bannaanka kusoo ciyaartay kulammada La Liga

Kaliya hal kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo labadan koox dhex maray ayaa barbarro ku idlaaday, waxaana lagu kala adkaaday shantii kale.

Los Blancos ayaa guuleysatay afar ka mid ah shanta kulan ee la kala adkaaday.

ciyaartii ugu dambeysay oo ay labadan koox wada ciyaareen waxaa natiijo 3-0 ku adkaaday Real Madrid.

Valencia ayaa adkaatay kaliya labo kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay labadan koox ku wada ciyaareen garoonka Mestalla.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-