Horudhac: Southampton vs Liverpool… (Reds oo doonaysa inay saddex dhibcood hoggaanka horyaalka ku qabato kulanka ay caawa booqanayaan Saints)

0
192
Google+ LinkedIn StumbleUpon Tumblr Pinterest Reddit VKontakte Odnoklassniki Pocket(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa doonaya inay saddex dhibcood oo nadiif ah hoggaanka horyaalka Premier League ku qabtaan marka ay booqanayaan caawa Southampton kulankooda furitaanka sanadka 2021-ka.

Labada kooxood ayaa sanadkii 2020 ku dhammaysatay barbaro goolal la’aan niyad jab leh, iyadoo Saints ay garoonkeeda ku soo dhoweysay West Ham United, halka Liverpool ay dhaafi weysay Newcastle United.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: St. Mary’s Stadium

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka kooxaha:-

Goolhayaha Kooxda Southampton ee Alex McCarthy ayaa seegi doona kulanka caawa ee horyaalka Premier League ay garoonkooda ku soo dhoweynayaan Liverpool kaddib markii laga helay Korona Fayras.

McCarthy oo 31-sano jir ah, kaasoo shabaqiisa gool ka ilaashaday todobo jeer 16 kulan oo uu ciyaaray horyaalka ayaa haatan karaantiil ku ah gurigiisa.

Tababare Ralph Hasenhuttl ayaa sheegay in goolhaye McCarthy sidoo kale laga yaabo inuu seego kulanka wareegga saddexaad ee FA Cup-ka oo ay Sabtida soo aaddan la leeyihiin kooxda horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska ka socota ee Shrewsbury Town.

Macallinka Saints laftiisa ayaa qudhiisu dib u soo laaban doona maanta oo Isniin ah kaddib muddooyinkii ugu dambeeyay oo uu ku jiray is-go’doomin.

Dhinaca kale Jannik Vestergaard iyo Nathan Redmond oo dhaawacan ayaa sii wadan doona maqnaanshahooda.

Daafaca kooxda Liverpool ee Joel Matip ayaa garoomada seegi doona qiyaastii saddex todobaad kaddib dhaawac gumaarka ah oo soo gaaray kulankii ay la ciyaareen West Brom 27-ka bishii December.

Thiago Alcantara ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo safka hore ee ciyaarta, kaddib markii uu bedel ku soo galay markii uu ka soo laabtay dhaawac kulankii Arbacadii ee Newcastle.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Kooxda Liverpool ayaa guuleysatay lix kulan oo xiriir ah oo ay horyaalka Premier League ku wajahday Southampton, waxaana muddadaas ay ka dhalisay 17-2.

Southampton

>- Southampton ayaa guul la’aan ah afar kulan oo horyaalka Premier League, waxaana ay ku guuldarreysatay inay gool dhaliso saddexdii kulan ee ugu dambeeyey.

>- Waxaa loo diiwaan galin karaa saddex kulan oo xiriir ah oo goolal la’aan ah markii ugu horreysay taariikhdeeda horyaalka.

>- Si kastaba ha noqotee, waxay barbareeyeen dhibcahoodii ugu sarreeyay ee 26 dhibcood ah kaddib 16 kulan marka ay ciyaaraan xilli ciyaareed Premier League ah.

>- Saints ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League oo ay ciyaareen maalin isniin ah caawa oo kale, 7 barbaro ayay galeen 7 kalena waa laga badiyay.

>- Southampton siddeedii gool ee ugu dambeeyay ee horyaalka ay ka dhaliso waxaa u kala dhaliyay siddeed ciyaaryahan oo kala duwan.

>- Danny Ings waxa uu si toos ah ugu lug lahaa 38-gool oo heer sare ah Premier League tan iyo markii Ralph Hasenhuttl uu noqday tababaraha kooxdaas bishii December ee 2018, isagoo dhaliyay 31, isla markaana dhigay ama caawiyey toddobo goo loo kale.

Liverpool

>- Liverpool ayaa guuleysatay kaliya afar ka mid ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay bannaanka ku soo ciyaareen horyaalka Premier League, waxa ay barbaro galeen lix kulan, halka laga adkaaday afar kulan.

>- Waxa ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan kulan PremierLeague markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan kulankii ugu dambeeyey oo ay wajaheen Newcastle.

>- Reds ayaa hal darbo oo bartilmaameed ah bartilmaameedsatay qaybtii dambe ee mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeeyay Premier League iyo kaliya lix darbo oo bartilmaameed ah wadar ahaan kulamadaas.

>- Mohamed Salah ayaa dhaliyey todobo gool lix kulan oo uu horyaalka Premier League ku wajahay kooxda Southampton.

>- James Milner wuxuu u dabaaldegayaa dhalashadiisa 35-aad kulankaan, maadaama uu dunida ku soo biiray 04 bishii Janaayo sanadkii 1986-kii, wuxuuna sameyn karaa inuu safto Premier League sanadkii 20-aad oo xiriir ah.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-