
(Madrid) 20 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa eegeysa inay caawa guul ku bilowdo difaacashadeeda horyaalka La Liga, marka ay u safrayaan San Sebastian, halkaasoo ay ku wajahayaan Real Sociedad.
Los Blancos ayaa ku dhammaysatay iyadoo shan dhibcood oo nadiif ah ka sarreysa kooxda kaalinta labaad ee Barcelona xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay kooxda caasimadda Spain ka dhisan ay ku guuleysatay horyaalka La Liga.
Dhanka kalena Real Sociedad ayaa kal ciyaareedkan cusub ee 2020-21 ku bilaabatay barbaro ay la galeen Real Valladolid, waxaana ay caawa doonayaan inay guul ka helaan Real Madrid.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Taariikhda: Axad 20 Sebt 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Reale Seguros Stadium
Garsooraha: Juan Martinez (Spain)
Wararka Kooxaha:-
Ander Guevara ayaa la filayaa inuu khadka dhexe ka ciyaaro kooxda martida loo yahay, iyadoo Igor Zubeldia uu qabo dhibaato jilibka ah halka Martin Zubimendi uu maqnaan doono ilaa bilowga bisha October.
David Silva ayaa laga yaabaa inuu tartan galo kaddib markii uu ka soo kabsaday Korona Fayras, inkastoo Willian Jose uu wali shaki ku jiro kaddib markii uu seegay maalintii furitaanka La Liga xanuun dartiis, Mikel Oyarzabal sidoo kale wuxuu taam u yahay inuu ku bilowdo.
Nacho Monreal ayaa taam noqon doona kaddib dhibaato muruqa ah, waxaana la filayaa inuu ka soo muuqan doono ka hor Aihen Munoz oo daafaca bidix ka ciyaara.
Tababare Zinedine Zidane waxaa soo wajahay dhibaatooyin badan oo dhaawacyo ah markii uu soo galay kulankiisa furitaanka horyaalka Real Madrid ee xilli ciyaareedka, laakiin dookhiisa koowaad ee kow iyo tobanka ah ayaa bad qaba.
Eden Hazard ayaa ka maqnaan doona kooxda martida ah isagoo ka cabanaya dhaawac kale, iyadoo Rodrygo la filayo inuu ka soo muuqan doono garabka midig ee weerarka.
Marcelo waa inuu ka bedelaa Ferland Mendy booska daafaca bidix, halka amaahdii hore ee Real Sociedad, Martin Odegaard kaliya la filayo inuu daqiiqado ka helo kursiga keydka.
Sergio Reguilon iyo Gareth Bale ayaa noqday xiddigo kooxda Tottenham ah, taasoo ka dhigan in ciyaartan aysan meteli doonin Los Blancos.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Real Sociedad ayaa barbaro gashay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Kooxda Real Madrid ayaan la garaacin 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga.
>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.