(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Laba ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan taariikhda Koobka Kooxaha Yurub ayaa madaxa iskula geli doona caasimada Spain habeenka Talaadada, iyadoo Real Madrid ay soo dhaweyn doonto Liverpool lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League.
Real Madrid oo ku guuleysatay 13 jeer tartankan ayaa isha ku heysa inay guul ku gaarto garoonka Alfredo Di Stefano ka hor kulanka lugta labaad ee soo socda kaasoo garoonka Anfield ka dhacaya 14-ka bishan April.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Alfredo Di Stefano
Garsooraha: Felix Brych (Germany)
Wararka kooxaha:-
Sergio Ramos ayaa seegaya kulanka ay soo dhoweynayaan Liverpool kaddib markii uu dhaawac kubka ah ku soo gaaray waajibaadka xulkiisa qaranka.
Waxa uu liiska dhaawacyada Los Blancos kula biirayaan Eden Hazard, Dani Carvajal iyo Federico Valverde.
Casemiro ayaa ganaax ku seegay lugta labaad ee ay la ciyaareen Atalanta sababo la xiriira ganaax, laakiin kulankan waa diyaar oo waa la heli karaa, halka Toni Kroos oo shaki la gelinayey kulankii ay soo dhoweyeen Eibar uu ka soo kacay kursiga keydka, waana diyaar inuu ku soo bilowdo kulanka caawa.
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sii joogteyn doona xiddigihiisa furaha ah ee Joel Matip, Virgil van Dijk, Jordan Henderson iyo Joe Gomez.
Klopp ayaa laga yaabaa inuu isbadal ku sameeyo shaxdii uu ku soo bilaabay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Arsenal.
Georgino Wijnaldum waa inuu ka bedelaa booska khada dhexe James Milner, halka Diogo Jota kaasoo ka soo kacay kursiga keydka isla markaana labo gool dhaliyey garoonka Emirates ayaa laga yaabaa inuu hoggaamiyo weerarka Reds.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Liverpool ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 7 ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Real Madrid ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey ee Champions League.
>- Kooxda Real Madrid ayaa guuleystay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Liverpool tartammada oo dhan.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-
Dhinaca kale Kooxaha Manchester City iyo Borussia Dortmund ayaa wada ciyaari doonta kulanka lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League, waxaana kulkan uu caawa ka baasmi doonaa garoonka Etihad.
Xaqiiqooyinka kulanka Man City vs Dortmund:-
>- Man City ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Champions League.
>- Kooxda Man City ayaa guuleysatay todobo ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay Champions League.
>- Borussia Dortmund ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey ee Champions League.
>- Borussia Dortmund ayaan la garaacin todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ciyaartay Champions League.
>- Man City ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Kooxda Borussia Dortmund ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Manchester City tartammada oo dhan.