(London) 19 Sebt 2020. Kooxda Arsenal ayaa indhaha ku haysa inay guul is-daba-joog ah ku bilaabato xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League marka ay caawa West Ham United ku soo dhaweynayaan garoonka Emirates Stadium.
Gunners ayaa guul 3-0 ah ka soo gaartay Fulham kulankeedii furitaanka xilli ciyaareedka, halka West Ham ay khasaaro 2-0 kala kulantay Newcastle United kulankoodii furitaanka horyaalka.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Sabti 19 Sebt 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Emirates Stadium
Garsooraha: Michael Oliver (England)
Wararka Kooxaha:-
Daafaca dhexe ee Arsenal, David Luiz ayaa la xaqiijiyay inuu taam yahay kaddib dhaawac qoorta ah oo uu la maqnaa, halka Mesut Ozil isna la tixgelinayo kaddib markii laga soo tagay kulankii Fulham.
Daafacyada kale ee Shkodran Mustafi, Sokratis iyo Pablo Mari ayaa ka mid ah xiddigaha ka maqan kooxda Gunners.
Kabtanka Kooxda West Ham ee Mark Noble ayaa seegay tababarkii Jimcihii kaddib dhaawac ka soo gaaray suulka, waana la la socon doonaa xaaladdiisa.
Ciyaaryahankii hore khadka dhexe ee Arsenal, Jack Wilshere ayaa shaki ku jiraa inuu wajahayo kooxdiisii hore sababo la xiriira dhibaato dhanka canqowga ah.
Saxiixa rikoorka ah ee Sebastian Haller ayaa labo gool ka dhaliyay tartanka EFL Cup, waana lagu soo bilaabi karaa kulankan.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool-Ka-Fool
>- Arsenal ayaa guuleystay 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee la soo dhaafay oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay West Ham tartammada oo dhan.
>- The Hammers ayaa laga badiyay 31 kulan oo Premier League ah oo ay wajaheen Arsenal, waana in ka badan inta ay la ciyaareen kooxaha kale.
>- Shan ka mid ah siddeedii guul West Ham ee Premier League kulankaan ayaa yimid iyadoo marti ah (Away).
Arsenal
>- Arsenal ayaan laga badinin sagaal kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay sanadkaan, waxaana ay haystaaa 7 guul iyo 2 barbaro, iyagoo dhaliyay 21 gool, waxaana laga dhaliyay kaliya 7 gool.
>- Gunners ayaa badisay kaliya saddex ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedkooda furitaanka kulamada horyaalka, waxaana ay la kulantay hal barbaro iyo shan guuldaro.
>- Arsenal waxa badisay labadeeda kulan ee furitaanka horyaalka hal jeer 10-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.
>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay siddeed gool lix kulan oo uu u saftay Arsenal tartammada oo dhan oo uu ku jiro mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee la soo dhaafay.
>- Yeelkeede, Aubameyang ayaa dhaliyay kaliya hal gool oo horyaalka ah shantii kulan ee uu wajahay Hammers.
>- Macallinka Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa dhaliyey 27 gool 174 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Everton, dhammaantoodna wuxuu ka hoos ciyaaray Macallin David Moyes.
West Ham United
>- Guuldarradii West Ham ee Isbuucii la soo dhaafay ayaa soo afjartay afarta kulan ee aan laga badinin, iyagoo hore u haystay Labo guul iyo labo barbaro.
>- Waxay ku guulddareysan karaan inay guuleystaan midkoodna labada kulan ee furitaanka horyaalka xilli ciyaareedkii afaraad oo isku xiga.
>- The Hammers ayaa soo afjartay 2019-20 guuldarro la’aan saddex kulan oo horyaalka ah oo ay marti ahaayeen, waxayna haystaan hal guul iyo labo barbaro, iyadoo Michail Antonio uu dhaliyay lix ka mid ah toddobadii gool ee ay dhalisay muddadaas.
>- Ma aysan guuleysan kulankoodii furitaanka horyaalka ee ay marti ahaayeen tan iyo markii ay garaaceen Arsenal xilli ciyaareedkii 2015-16.
>- David Moyes waligiis kama soo guuleysan Arsenal tartan kasta, afar barbaro ayuu galay 15 kalena waa laga badiyay 19 kulan ee uu booqday.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.