Horudhac: Granada vs Barcelona… (Blaugrana oo baadi goobaysa inay caawa gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka La Liga)

0
221

Kooxda reer Catalan ee uu hoggaamiyo tababare Ronald Koeman ayaa haatan indhaha ku haysa labada kooxood ee ugu sarreeya horyaalka ee ka wada dhisan Magaalada Madrid, waxaana ay todobo dhibcood ka hooseeyaan kooxda hoggaaminaysa horyaalka ee Atletico Madrid.

Dhinaca kael Kooxda Granada ayaa fadhisa kaalinta 7-aad, iyadoo 24-dhibcood ka uruursatay 16-keedii kulan ee ugu horreeyey oo ay illaa iyo haatan ciyaartay horyaalka La Liga.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti 09 Jan 2021

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 08:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Nuevo Los Carmenes

Garsooraha: Ricardo De Burgos (Spain)

Wararka kooxaha:-

Dimitri Foulquier iyo Domingos Duarte ayaa labadoodaba soo laabtay kaddib ganaax ay kaga maqnaayeen kooxda martida loo yahay, waana inay isla markiiba caawa ku soo laabtaan afarta daafac ee dambe.

Maxime Gonalons ayaa helay taam ahaanshihiisa kaddib dhibaato muruqa ah oo uu la maqnaa, waana inuu ku soo bilowdaa safkahore inkastoo Angel Montoro uu ku soo laabtay taam ahaansho buuxda.

Roberto Soldado ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo weerarka Granada, iyadoo Luis Suarez uu kasoo muuqan doono dhanka bidix ee weerarka, sidoo kale Darwin Machis ayaa soo laabtay.

Clement Lenglet ayaa ka ganaaxan kooxda martid ah, sidaasi darteed Oscar Mingueza iyo Ronald Araujo ayaa ka ciyaari doona daafaca dhexe ee Barcelona.

Ronald Koeman ma qabo wax walwal ah oo dhaawac cusub ah oo uu wajahayo dhammaadka usbuuca. Miralem Pjanic ayaana booskiisa khadka dhexe ka ceshan kara Sergio Busquets.

Martin Braithwaite ayaa la filayaa inuu ka soo muuqan doono garabka bidix ee weerarka Barca, iyadoo Antoine Griezmann uu weerarka la hoggaaminayo Messi.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleysatay todobo ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday naadiga Granada tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka La Liga.

>- Kooxda Granada ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-