Horudhac: Brighton & Hove Albion vs Chelsea… (Blues oo caawa saxiixyadeeda cusub tijaabasanaysa iyo safafka ay ku soo geli karaan)

0
232

(Brighton) 14 Sebt 2020. Kooxaha Brighton & Hove Albion iyo Chelsea ayaa ku hardami doona garoonka Amex Stadium caawa oo Isniin ah, labada kooxood ayaana eegaya inay mid waliba ay guul ku bilaabato horyaalka Premier League.

Blues ayaa booska afaraad kala baxday kooxda Leicester City xilli ciyaareedkii hore, halka the Seagulls ay ku dhammaysatay kaalinta 15-aad ee kala sarreynta horyaalka.

Kooxda ka dhisan galbeeda Magaalada London ee Chelsea ayaa caawa tijaabadsanaysa inta ugu badan saxiixyadeeda cusub, Jamaahiirta Blues ayaana filaya in saxiixyadooda cusub si wacan ku bilaaban doonaan kal ciyaareedkan cusub.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Isniin 14 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: The American Express Community Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:-

Saxiixa cusub ee Brighton, Adam Lallana ayaa eegaya inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League tan iyo bishii December ee sanadkii 2019-kii.

Jose Izquiedero iyo Christian Walton ayaa ah xiddigaha kaliya ee Albion ka dhaawacan.

Saxiixyada qaaliga ah reer Jarmal kuwaasoo ay la soo saxiixatay Chelsea ee Kai Havertz iyo Timo Werner ayaa safanaya kulankoodii ugu horreeyey ee Premier League.

Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell ayaa dhaawacyo qaba, halka Thiago Silva uusan taam ahayn, laakiin Christian Pulisic iyo Cesar Azpilicueta ayaa ka soo kabsaday dhibaatooyin dhanka murqa ah oo ay la maqnaayeen.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool-Ka-Fool

>- Guusha kaliya ee tartan rasmi ah ay Albion gaartay 14 isku day oo ay wajahday Chelsea waxa ay timid kulankii FA Cup-ka oo dhacay bishii Janaayo ee sanadkii 1933-kii.

>- Brighton ayaa guuleysan karta kulankeeda ugu horreeya horyaalka xilli ciyaareedyo isku xiga markii ugu horreysay tan iyo kal ciyaareedkii 2010-11.

>- Albion ayaan guuldarreysan kulan horyaalka ah iyadoo ciyaareysa maalin Isniin ah 10 isku day oo ay hore u sameysay tan iyo guuldarradii ka soo gaartay Rotherham bishii April ee sanadkii 2015, dhammaan shantii kulan ee ay ciyaareen maalin Isniin ah Premier League ayaa ku dhammaaday barbaro.

>- Adam Lallana ayaa ku guuldarreystay inuu shabaqa soo taabto ama gool caawiye ka noqdo sagaalkiisii kulan ee horyaalka uu ka horyimid Chelsea, waana rikoorkiisii ugu xumaa ee uu ka horyimaado koox sare.

>- Tan waa markii saddexaad oo ay Chelsea maalin Isniin ah bilaabayso horyaalka Premier League, iyadoo Blues ay sii wadday inay horyaalka ku guuleysato labadii jeer ee hore oo kala ahaa 2014-15 iyo 2016-17.

>- Kooxda Frank Lampard ayaa kaliya hal kulan shabaqa ilaashatay 19 kulan oo Premier League ah oo ay marti ahaayeen fasal ciyaareedkii 2019-20, waana guushii 2-0 ee ay ka soo gaareen Tottenham bishii December.

>- Blues ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 10 ka mid ah 12-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League.

>- Chelsea ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool lix ka mid ah todobadii kulan ee ay bannaanka ku soo ciyaareen horyaalka Premier League.

>- Kooxda Chelsea ayaan la garaacin todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Brighton tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.