HORDHAC: Everton v Liverpool – Merseyside Derby – Lampard Iyo Klopp Oo Madaxa Iskula Jira, Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha Kulanka.

0
149

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool iyo tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa booqanaya Everton iyo Frank Lampard kulan xiiso leh oo ah Merseyside Derby oo labada kooxood ku dhex maraya Goodison Park.

Toffees ayaan xilli ciyaareedka wali guul soo gaadhin walow ay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay barbardhac soo galeen halka Reds laba guulood oo ay haytaan ay kasoo heleen labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lampard ayaan dhaawacyo cusub kaga cabanayn kooxdiisa Everton waxaana intaas u dheer farxada ah inuu haysto saxeexyadii cusbaa ee maalintii ugu dambaysay suuqa ee Idrissa Gueye iyo James Garner walow la filayo inay labaduba keydka soo fadhiisan doonaan.

Saxeexa kale ee cusub ee Neal Maupay ayaa lagu wadaa inuu weerarka Everton hoggaamiyo isagoo garbaha caawimo kaga helaya Anthony Gordon iyo McNeil.

Dhinaca Liverpool xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawacmay ayaa ah kabtan Jordan Henderson oo liiskaasi kula biiray Konate, Keita, Ramsay iyo Chamberlain.

Jota, Kelleher iyo Thiago ayaa talaabo wanaagsan dhinaca soo kabashada u qaaday balse kulankani wali degdeg ku yahay. Weeryahan Darwin Nunez ayaa soo laabanaya kaddib saddex kulan oo uu kaadh casaan ku maqnaa.

Nunez ayaan la filayn inuu toos ugu soo laabto shaxda asaasiga ah ee Liverpool sababtoo ah inuu Roberto Firmino wacdarro soo dhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Saxeexa cusub ee Arthur Melo ayaa ugu badnaan keydka soo fadhiisan doona balse Joel Matip oo taam buuxa ah ayaa daafaca dhexe booska kala bixi kara Joe Gomez.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Everton (4-3-3): Pickford; Patterson, Coady, Tarkowski, Mykolenko; Davies, Onana, Iwobi; McNeil, Maupay, Gordon

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Carvalho; Salah, Firmino, Diaz

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Goodison Park

Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor