Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha ugu sarreeya Premier League ee Arsenal iyo Man City ayaa caawa isku arkaya gegida Emirates Stadium kulan ay kooxdii badisaaba hoggaanka qabanayso.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Arsenal waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona Gabriel Jesus oo aan kooxdiisii hore kahor tagayn iyo Smith-Rowe balse waxa soo laabtay Reiss Nelson.
Guardiola ayaa si lamid ah sidii Aston Villa uu kula ciyaaray shax saddex daafac ah dooran kara isagoo adeegsanaya Walker, Laporte iyo Ake.
Taas ayaa sahlaysa inay kusoo wada bilawdaan dhammaan Gundogan, De Bruyne, Rodri, Bernardo Silva iyo Jack Grealish.
Shaxaha Macquulka Ah
Man City (3-2-4-1): Ederson; Walker, Laporte, Ake; Rodri, Silva; Mahrez, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Wakhtiga: 10:30 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Anthony Taylor