Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hishiiskii ay West Ham kula wareegeysay daafaca Manchester United Harry Maguire ayaa si rasmi ah u burburay.
Sky Sports News ayaa sheegtay in bixitaanka Maguire ee waqtigaan oo la marayo gabagabada suuqa kala iibsiga in Man United ay dareentay inaysan heysanin waqti ay ku keensato bedelkiisa.
Tababare Erik ten Hag ayaa sheegay in Maguire uu muhiim u yahay kooxdiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa.
Maguire ayaa laga qaaday kabtanimada Manchester United horaantii xagaagan, waxaana la sheegay inuu aad uga niyadjabay go’aanka tababare Erik ten Hag.
Todobaadkii la soo dhaafay Wes Ham ayaa kula hishiisay Man United 30 milyan ginni si ay u la wareegaan Maguire laakiin daafaca uma wareegi doono London Stadium.
Ilo ku dhow ciyaaryahanka ayaa u sheegay Sky Sports News: “Harry wuxuu ixtiraamaa West Ham iyo David Moyes laakiin marnaba ma jirin hishiis dhexmaray Harry iyo West Ham.
“Sida ay wax u socdeen ma aheyn sidii laga sheegayay warbaahinta. Tusaale ahaan, ma jirin waqti uu Harry la hadlay David Moyes.
“Harry wuu saldhigtay United, wuxuu jecel yahay kooxda, wuxuuna aaminsan yahay inuu fursado badan heli doono xilli ciyaareedkan.”