Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-๐๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐ ๐๐๐ถ๐ถ๐ฏ๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป๐ธ๐ฎ (๐ฆ๐ผ๐๐ ๐) ๐ถ๐๐ผ ๐๐๐น๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, ka jawaabista deg-degga ah, dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka iyo sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hayโaddu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.
Hoggaanka Culimada Soomaaliyeed goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo jeediyay doodo iyo khudbado la xariira sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karo gargaarka iyo waddooyinka looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, halka ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyadoo xoogga la saarayo ka faaโiidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha.
Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka ahaa shirka ayaa si weyn u bogaadiyay doodda iyo muwduuca shirka, iyaga oo xusay in xalka in badan oo muskiladaha ka mid ah u ku jiro wacyi-galinta iyo farriimaha cumilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, loona baahan is-kaashi marka la joogo fulinta howlaha baniโaadannimo ee Hayโadda SoDMA masuulka ka tahay.