Haweenka ka shaqeeya goobaha laga qodo dhagaxa ee Magaalada Kismaayo oo kawarbixiyay duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.

0
1202

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wakhtiga iyo waayaha adag ee kajira dunida ayaa macalin u noqda noola kasta oo dunida guudkeeda saaran taasoo qofka bara sida loola daalaa dhaca nolosha maareynteeda

Dalkeena somaliya oo muddo dheer ay ka jiraan dhibaatooyiin isdaba joog ah ayaa bulshada somaliyeed ku kaliftay in qof waliba uu u jaheesto halka uu isleeyahay waad ka maareyn kartaa noloshaada.

Haweenka somaliyeed ayaa mudadaas dheer udub dhexaad u ahaa bad baadinta iyo samata bixinta bulshada somaaliyeed kuwaas oo dadaal dheeraad galiyay u istaagidda shacabka.

Magaalada kismaayo waxaa ku nool haween badan oo xoogsata ah kana shaqeeyo shaqooyiin kala duwan, Hadaba qaar kamid ah haweenka ka shaqeeya goobaha laga qodo dhagxaanta iyo jayga ayaa kawarbixiyay daruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan.

Sida ay sheegeen Waxaa habeenkii yimaada oo ka xada jayga ragga ku shaqeysta gawaarida daabusha dhagaxaanta iyo jayga ee ka shaqeeya dhagax jebinta taas oo niyadjab iyo jahawareer u keenta.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya