Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ayaa ah mid isku xirta kenya iyo Soomaaliya, waxaana mudooyiinkii u danbeeyey ka muuqanayay horumar Balaadhan oo dhanka ganacsiga ah.
Haweenka danyarta ah ee ku nool deeganka dhoobley ayaa kusoo badanaya qeybaha kala duwan ee ganacsiga deegaanka iyaago nooloshooda ka maareeyo ganacsiyadaasi.haweenka deegaanka ayaa intooda badaan ka gacansado dharka nocyadiisa kala duwan, iibinta bagashaka, ka ganacsiga hilibka iyo kuwa kale.
Qaar kamid ah haweenkan danyarta ah ee leh ganacsiyada yar yar ayaa Radio Sanguuni uga warbixiyay ganacsigoodA iyagoo islamarkaana dhamaantood ka codsaday maamulka deegaanka kabitaan dhaqaale si gancsigooda u horumariyaan.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay.