Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Haweenka ku nool Kamamka Barkacyaasha ee Deegaanka Dhoobley ee Gobolka jubbada hoose ayaa ah kuwa la ildaran duruufo kale duwan.Haweenkan ayaa iskugu jiray xolo dhaqato iyo Beeraley ay saameysay Abaarta ba’an ee ku dhufatay Deegaanada Jubbalaand iyo Guud ahaan Dalkeena.
Qaar kamid ah Haweenka Danyarta ee ku nool Kamamka Daryeel ee Magaalada Dhoobley oo lahadley Warbaahinta Sanguuni ayaa kawarbixiyay xaladooda nololeed iyago Maamulka Deegaanka iyo Ha’yaddaha samafalka ka codsaday in loo sameyo Shaqo Abuur ay ku maareeyaan Nolosha Qoysaskooda Maadamo ay awal ahaayeen dadka ku filan Nolol maal-meedkooda balse xilagan ay Barakac ay Ka dhigtay Abaraha xooggan ee ka jira Dalka islamarkaana ay Dhaafisay wixii ay hanti laheyn.
Abaraha Ba’an ee ku habsaday Dalkeena Soomaaliya iyo Guud ahaan Geeska Africa ayaa sababay Barakac Aad u baladhan oo maalinba maalinta ka danbeysa ay isaso tareyso Dadka ka baracaya Deegaanadii ay ku nolaayeen kuwaasi oo imanaya xarumaha magaalooyinka ama degsiimooyinka jira ee dadka gudaha ku barakacay, halkaas oo xaaladaha nololeed ay inta badan adag yihiin oo ay jiraan agabyo yar oo lagu daboolo baahiyaha dheeriga ah ee dadka cusub.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa