Hansi Flick oo War Kasoo Saaray Bandhigii Rashford Ee Kulankii Levante

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer England Marcus Rashford ayaa bandhig aan joogto ahayn ku muujiyay ciyaartii ay Barcelona sida dirqiga ah uga soo badisay Levante oo ku hogaaminaysay 2-0 qeybtii hore.

Rashford ayaa lagu soo bilaabay garabka bidix, iyadoo Raphinha uu ka ciyaarayey booska lambarka 10-aad. Si kastaba, markii kooxda ay baadi goobaysay soo laabasho qeybtii labaad, Rashford ayaa lagu beddelay Raphinha oo markale loo wareejiyay garabka.

Tababaraha Barca Hansi Flick ayaa ciyaarta kadib ka hadlay qaab ciyaareedka Rashford:
“Waxaan aaminsanahay in Rashford qeybtii hore muujiyay awooddiisa si uu noo caawiyo. Laakiin waxaan u baahannay inaan beddelno qeybtii labaad. Raphinha wuxuu ciyaaray garab, wuxuuna gartay waxa uu qabanayo,” ayuu yiri Flick.

“Waxaan rumeysanahay inaan qaadanay go’aan sax ah. Goolkii ugu horreeyay ee aan dhalinnay wuxuu naga caawiyay inaan si buuxda isbeddel ugu sameyno ciyaarta.”

Barcelona ugu dambeyntii waxay guul soo laabasho ah oo 3-2 ah ka gaartay Levante, iyadoo Flick uu ku qanacsanaa qaabkii isbeddellada ciyaarta loogu maamulay.