Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ayaa wajahaysa dhibaato cusub oo weerarka ah ka hor kulanka adag ee Girona, kadib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay in Ferran Torres uu u maqnaan doono sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo soo cusboonaaday, sida uu sheegay wargeyska Isbaanishka ah ee Sport. liiska dhaawacyada ee waqtiga dheer, kaas oo ay ku jiraan Ter Stegen, Juan Garcia, Dani Olmo, Raphinha, iyo Robert Lewandowski.
Wargeyska Sport ayaa intaa ku daray in tababaraha reer Jarmal Hansi Flick uu qorsheynayo inuu booska weeraryahanka dhexe (lambar 9) geeyo Marcus Rashford, inkastoo uu caadiyan jecel yahay inuu ka ciyaaro garabka, si uu u buuxiyo boosaska banaan ee weerarka.
Sidoo kale Flick ayaa tixgelinaya qorshe lama filaan ah oo uu Alejandro Balde uga ciyaarsiinayo garabka bidix, dookh uu dhawaan ku tijaabiyay tababarka, halka Rony Bardji uu aad ugu dhow yahay inuu kusoo billowdo garabka midig.
Dhexda, Flick ma qorsheynayo inuu nasiiyo Pedri inkastoo jadwalka ciyaaraha uu aad u cufan yahay, isagoo weli ka fikiraya inuu Pedri ka ciyaarsiiyo booska nambarka 10 ama inuu isticmaalo Marc Casado oo ka ciyaara booska difaaca dhexe ee dhexe (pivot).
Difaaca dhinaciisa, kooxda ayaa dhammeystiran, iyadoo tartan uu ka jiro booska midig ee u dhexeeya Koundé iyo Eric Garcia, halka la filayo in labada dhexe ay noqdaan Araujo iyo Cubarsi.






