Halyeey kooxda Inter Milan ah oo weerar ku qaaday Christian Eriksen

0
188

Xiddiga reer Denmark ee Christian Eriksen ayaa qarka u saaran inuu ka tago Inter Milan suuqa kala iibsiga ee soo socda, sababo la xiriira inuusan si joogto ah uga qeyb qaadan kulamada kooxda, tan iyo markii uu ku soo biiray.

Sida uu daabacay “Football Italia” Halyeeyga kooxda Inter Milan ee Benoît Cauet ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Christian Eriksen waxaa heysata dhibaato yar oo wax walba ah”.

“Waxaa jira ciyaaryahan ay tahay inuu naftiisa diyaariyo, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in kooxda ay wax kale uga baahan tahay qof isaga oo kale ah”.

“Kama hadlayo kaliya waxa uu garoonka ku sameeyo, laakiin sidoo kale waxaan ka hadlayaa niyadiisa iyo shaqsiyaddiisa”.

“Christian wuxuu xakameyn karaa kulamada, wuxuu leeyahay tayo gaar ah, darbooyin iyo aragti cajiib ah, laakiin ma uusan helin qaab ciyaareedkiisa, wuxuuna ku dhibtoonayay inuu helo doorkiisa kooxda’.

“Waxaan u maleynayaa in kooxda iyo Antonio Conte ay weli doonayaan inay fursad siiyaan ciyaaryahanka, laakiin waa inuu noqdaa mid go’aan qaadasho leh oo hagaajiya dabeecaddiisa”.

Waxaa xusid mudan in 28 jirkaan uu u dhaqaaqay safka kooxda Inter Milan bishii Janaayo ee la soo dhaafay, isagoo kaga soo biiray naadiga Tottenham Hotspur, aduun dhan 27 million euros.