Halyeey Arsenal ah oo fariin u diray Gareth Bale kaddib imaatinkiisa kooxda Tottenham

0
248

Kooxda Tottenham ayaa si rasmi ah u shaacisay inay soo ceshatay xiddigeedii hore reer Weles ee Gareth Bale, kaasoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Real Madrid, heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Martin Keown, waxaana uu yiri:

“Bale waxaa looga soo dhabeeyay qalbi furan Tottenham Hotspur, waa xiddigii kaga dhaqaaay kooxda si uu kula soo guuleysto wax walba Real Madrid”.

“Laakiin tani waa xilligii bisha malabka, waxaanan hubaa in Gareth Bale uu ogyahay in taageerayaasha ay wax gaar ah kaga sugi doonaan garoonka dhexdiisa”.

Who is Martin Keown? Former England and Arsenal footballer turned analyst  and commentator is heading to Russia

“Waxaan dareemay inaan dhibtoonayo inta lagu gudajiray kulamadii ugu horeeyay, marka Bale waa inuu taxaddaraa”.

Wargeyska ayaa wuxuu tilmaamay in Bale uu la soo dhibtooday dhaawacyo sanadihii la soo dhaafay, Martin Keown ayaana carabka ku adkeeyay in waaxda farsamada ee Spurs ay tahay inay tixgeliso arintaas.

“Waan hubaa in Jose Mourinho uu ka fiirsan doono maareynta daqiiqadaha la siiyay Gareth Bale, shaqaalaha caafimaadka ee kooxda ayaa sidoo kale arinta wax ka qaban doona”.