Haaland Oo Jabiyay Rikoodh Uu Dhigay Halyeey Man United Ah.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Erling Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa ee 50 gool ku lug yeesha champions League ka dib goolki furitaanka ee uu ka dhaliyay Feyenoord.

Inkasta oo uu dhamaadkii ciyaarta si xun ugu soo dhamaaday Manchester City oo saddex gool ku hormartay oo ay hogaanka ku haysay isla markaana ay barbaro 3-3 ah la gashay kooxda reer Holland, taasi ayaan waxba ka dhimayn in xiddiga reer Norway rikoodh kale dhigo.

Waxay ahayd hadda ama waligeed, sababtoo ah Haaland waxa uu jabiyay rikoorka hal kulan, isagoo u baahday 44 kulan si uu kor ugu qaado 50-ka, isagoo garaacay rikoorka Ruud van Nistelrooy ee 45 kulan.

50-kii gool ee uu Haaland ku lug lahaa 45 ayaa ahaa gool halka 5-ta kale ahayd caawin.

Bartilmaameedka xiga wuxuu noqon doonaa Haaland inuu gaaro 50 gool oo Champions League ah waqtiga rikoorka jabinta, wuxuuna leeyahay meel aad u fiican oo uu sidaas ku sameeyo.

Labada gool ee caawa ayaa Haaland ku gaadhay 46 gool 44 kulan oo kaliya, taas oo la macno ah in uu haatan haysto 17 kulan si uu u dhaliyo afar gool oo kaliya si uu u jabiyo rekoodhka.