Gudoomiyaha kaamka daryeel ee deegaanka dhoobley oo codsaday in kaamka laga hirgaliyo xarun caafimaad.

0
217

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaam daryeel waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose  kaamkan  ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka  soo baracay abaarta ku habsatay dalka.

kaamkan ayaa waxaa   ku nool  dad danyar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday deeganka dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale

Kaamkan ayaa waxaa ka jira xaalada bini’aadanimo oo isbiirsaday sida hoy la’aan,caafimaad daro iyo arima kale.Kaamka daryeel oo ay ku noolyihiin in ka badan boqolaal qoys ayaan lehayn xarun caafimaad xilli uu kaamka ka jiro xaalado caafimaad daro.

Hadaba qaar kamid ah bulshada danyarta ee ku nool kaamkaasi oo radio sanguuni lahadlay ayaa maamulka deegaanka iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in loo hirgaliyo xarun caafimaad.

Dhanka kale gudoomiyaha kaamka daryeel iidle aden xassan ayaa ka warbixiyay xaaladaha caafimaad daro ee ka jira kaamka isagona ka codsaday maamulka dowlad goboleedka jubaland iyo hayadaha samafalka in ay u hirgaliyaan kaamka xarun caafimaad.

Maxamed Cali Samow ayaa ka warramaya