Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qoysaska Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u dambeyay ku dhax guur guurayay Magaalooyinka ku yaala Degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland kuwaas oo duruufaha adag ee ka dhashay cimalada ay ku qasbeen xoolo dhaqatada iyo beeralaydu in ay ka hayaamaan deeganadooda ay abaarta xoogan ay ka jirto darteed taas oo gabi ahaanba baabiisay xoolo iyo beerihii ay lahaayeen.
Jubblaand waxay kamid tahay Dawlad gobaleedyada ay sida ba’an u saameysay abaarta waxaana qoysaska abaartu saamaysay xiligan wajahayaan duruufo aad u dag iyagoona haysan Raashin Biyo ku filan iyo daawo.
Deegaanada saaran jasiiradaha Gobalka Jubbada Hoose sida Madhabo, Juula, Istanbuul, Raskanbooni, Kudha iyo deegaano kale ayaa wajahaya duruufo xoogan oo ka dhalatay abaarta sida uu sheegay Yuusuf Maxamed Ibraahin Gudoomiye ku xigenka Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubada Hoose.
Cabdirashiid Cabdulaahi Cali Gooni Gudoomiyaha Gobalka Jubada Hoose ayaa walaac xoogan ka muujiyay saamaynta abaarta u gaysatay shacabka wuxuuna uu ku baaqay in aan loo kala hadhin gurmadka loofidinayo dadka shacabka ee ay abaartu saamaysay.
Gudoomiyaha Jubbada dhexe Haajir Bile Sugaal ayaa samaynta abaarta u gaysatay shacabka ku tilmaamay in ay lamid tahay abaartii dhacday sanadkii 1991.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya